DhoodimeerNews.com

Sun 17/12/2017

Waxaa maanta lagu qabtey Brunswick Hall, shirweynihii beesha Cumar Mahamud oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan beeleweynta

 


Waxaa maanta lagu qabtey Brunswick Hall, shirweynihii beesha Cumar Mahamud oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan beeleweynta beesha Cumar Mahamud, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan beesha Cumar Mahamud ee degen wadankaan Australia, dhamaan aqoon yahamiinta Odayaasha, Nabadoonada, Hooyooyinka, Gabdha, dhalinta, ardeyda Jaamacadaha ayaa ka soo qeyb galay shirweynahaan sanad laha ah ee beesha Cumar Mahamud.


Shirweynahaan oo ahaa mid horey loo sii iclaamiyey ahaana  shir sanadeedkii beesha Cumar Mahamud dhacana sanadkasta bisha ugu danbeysa ee December., maadaama oo wadankaan ay bisha December bilaabato fasaxyada sanad kasta dhamaadkiisa. Shirkaan waxaa uu ka saleysan yahay mideynta beesha Cumar Mahamud iyo wacyi galinta dhalinta koreysa iyo laga shaqeeyo xiriir sidii loo garab istaagi lahaa markasta maamulka degaanada Puntland. Shirkaan waxaa diirada lagu saarey, in ay muhiim tahay in lamideeyo dhamaan beesha Cumar Mahamud ee ku nool qurbaha, lana sameeyo gudi qaabilsan xiriirka caalamiga e ee beesha Cumar Mahamed, raadiyadana xiriir joogta ah, oo u dhexeeye Beesha Cumar Mahamud lana muujiyo wada jir iyo yididiilo runtii la soo dhaweeyey


Beesha Cumar Mahamud, waxaa kalsooni iyo wada shaqeyn iyo in ay beeshu ka qeyb qaadato horumarka degaanada Puntland lana taageero Dowlada iyo maamulada wadanka Puntland ka dhisan, lana garab istaago horumarka ay ku talaabsatey Dowlada Puntland


Beeshu waxaa ay sameysatey gudi joogta ah oo hogaamiya danahooda iyo wada shaqeynta bulshada kale ee reer Puntland iyo guud ahaan danaha bulshada Somaliyed



Waxaa kale oo iyana loo arkey In ay muhiim tahay in gudiga beesha Cumar Mahamud la xoojiyo, gudiga joogtada ah ee beesha  oo jifo kasta ugu jirto will iyo gabaree beesha laga soo doortey, gudigaas oo ka kooban dhamaan jifooyinka beesha Cumar Mahamud, gudigaas oo ka koovan dumar iyo rag